Sunday, August 2, 2009

Guddi U Amba Baxday Dayactirka Iyo Siyaarada Xabaashii Sheekh Samaroon


Borama-(Lug)-Maanta ayaa magaalada Borama waxa ka amba baxday Gudi dhowr Xubnood ah oo ujeedada safarkoodu yahay inay soo dayactiraan soona siyaartaan xabaashii Sh.Samaroon Allaha u naxariistee oo ku taala degmada Xiis ee G/Sanaag.

X.Dayib Sh.Maxamed C/laahi oo ka tirsan guddidaasi ayaa safarkooda ku micneeyey ilaalinta taariikhda qadiimiga ah ee dadka reer Awdal waxana uu taasi daba dhigay inay doonayaan inay xabaasha Sheekha soo dayac tiraan isla markaana soo siyaartaan.

Mar Sheekha wax laga waydiiyay meesha ay ka keeneen lacagta ay ku soo dayactirayaan iyo inta ay leeg tahay ayaa waxa uu yidhi “Dadka reer Awdal oo dhan lacagtan wax ayay ka bixiyeen oo uma kala hadhin , waxanan ururinay lacag gaadhaysa $32,000”.

Xaajigu mar uu ka waramayay taariikhda Sh.Samaroon iyo gaar ahaan qabriga Sheekh Samaroon ayaa waxa uu yidhi “Sanaag waxa ku wada aasan Sheekh Samaroon, Sh. Isxaaq iyo Sh.Ciise oo ay taasi ku tusayso inay walaalo ahaayeen”.

Ma jirto taariikh qoran balse waxaa hubaal ah in Siyaarada qabuurtani ay qarniba qarni u soo dhiibaysay oo ay dadku si joogto ah u tagayeen, sanadkii 1992-kii ayaana noogu dambaysay wakhtigaasi oo aan qabriga sheekha soo dayac tirnay una soo ducaynay.

Shabakada Wararka ee Lughaya News ayaa bishii December ee sanadkii 2007 mar ay booqatay xabaasha Sheekh Samaroon indhaha soo saartay dayactir la’aanta haysata safarkan maantana ee gudidana waa mid muhiim u ah dayactirka qabriga Sheekh Samaroon Allaha u naxariistee.

No comments:

Post a Comment